Van Dijk Oo Ka Hadlay Saxiixa Cusub Ee Liverpool Ekitike.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ka hadlay la soo saxiixashada Liverpool ee ee weeraryahanka Hugo Ekitike oo ay kala soo wareegtay kooxda Eintracht Frankfurt inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan ee haatan socda.

Reds ayaa si guul ah u xoojisay weerarkeeda xilli ciyaareedka 2025-26, iyagoo la soo saxiixday weeraryahan wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa xiddigan kula soo wareegtay lix sano ilaa 2031, waxayna kula soo wareegtay lacag dhan 95 milyan oo euro oo ay ku jiraan lacago gunooyin ah.

Ekitike ayaa 64 kulan u saftay kooxda Frankfurt tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 26 gool sidoo kale caawiye ka noqday 14 kale.

Van Dijk ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee Liverpool in imaatinka Ekitike ay la macno tahay inuu leeyahay tayada uu kaga ciyaari karo Anfield.

Daafaca Reds ayaa sharaxay in waxa isaga muhiimka u ah ay tahay la qabsiga ciyaartoyda cusub kana mid yahay Ekitike.

Ciyaartoyda ugu sareysa Liverpool ayaa tilmaamay in qof walba looga baahan yahay inuu sameeyo dadaal badan, islamarkaana qof walba uu ku dagaalamo tartamada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga