Van Dijk: Gushii Frankfurt Halka Arin Ayay Muhiim U Tahay.

LONDON, ENGLAND - APRIL 27: Virgil van Dijk of Liverpool shouts during the Premier League match between West Ham United and Liverpool FC at London Stadium on April 27, 2024 in London, England. (Photo by Mike Hewitt/Getty Images) (Photo by Mike Hewitt/Getty Images)

Daafaca reer Holland ee Virgil van Dijk, oo ah kabtanka kooxda Liverpool, ayaa muujiyay farxaddiisa kaddib guushii weynayd ee kooxdiisu ka gaartay Eintracht Frankfurt oo ay 5-1 ku dubteen kulankii saddexaad ee wareegga kooxaha ee Champions League.

Shanta gool ee ay Reds ka dhaliyeen garoonka Frankfurt waxaa kala dhaliyay Hugo Ekitike, Van Dijk, Ibrahima Konaté, Cody Gakpo, iyo Dominik Szoboszlai.

Van Dijk ayaa yiri, isagoo la hadlayay shabakadda BBC Sport ee Britain:

“Guushan waxay noo tahay saldhig adag oo aan ku dhisi karno mustaqbalka.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Si cad waanu niyad-jabnay sababtoo ah guuldarrooyinkii ugu dambeeyay, waana arrin aan u baahanahay inaan si wadajir ah u wajahno oo aan si adag u sii shaqeyno.”

Xiddiga Reds ayaa intaas ku daray:

“Maanta waan guuleysanay, waana in aan diyaar u ahaano inaan Sabtida la ciyaarno Brentford, isla markaana aanan ku mashquulin waxyaabaha taban ee nagu xeeran.”

Van Dijk ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Habka kaliya ee aad ugu ciyaari karto qaabkaaga waa inaad diiradda saarto hawsha hortaal; waa inaan hore u soconnaa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga