Valencia Oo Ceebeysay Real Madrid , Wiilasha Zidane Qasaaro Culus Ayaa Dusha Loo Soo Saaray

Real Madrid ayaa lagu xasuuqay garoonka Mestalla Stadium ka dib guuldarro 4-1 ah oo ka soo gaartay Valencia iyadoo looga badiyay seddex rigoore iyo gool ay iska dhaliyeen xilli ay iyagu ku hormareen goolka.

Kulankaan ayaa laga diiwaangeliyay taariikh iyadoo markii ugu horeysay abid Real Madrid laga dhigay seddex rigoore hal kulan gudahiis, halka xiddiga Valencia Carlos Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore ka dhaliya hal kulan oo La Liga ah qarnigaan 21aad.

Natiijadaan ayaa kalsooni weyn siineysa kooxda Valencia oo xaalad xun ku jirtay xilli ciyaareedkan iyagoo haatan soo galay kaalinta 11aad halka Los Blancos ay ka dhacday kaalinta afaraad iyagoo leh 16 dhibcood.

 

SHAXDA AY LABADA KOOXOOD KU SOO GALEEN:

Valencia XI: Jaume, Wass, Gabriel, Guillamon, Gaya, Racic, Soler, Musah, Kang In, Cheryshev, Gomez.

Real Madrid XI: Courtois, Vazquez, Varane, Ramos, Marcelo, Valverde, Modric, Isco, Asensio, Vinicius, Benzema.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Real Madrid daqiiqadii 15aad markii Luka Modric baas halis ah loogu dhigay xerada ganaaxa, laakiin waxaa darbadiisa oo gool loo fishay si fantastik ah u badbaadiyay goolhaye Juame.

Real Madrid ayaa khadka dhexe ee maamuleysay ilaa iyo ay hogaanka uga qabtaan ciyaarta daqiqiadii 23aad markii Karim Benzema ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Jaume ka dib baas uu ka helay daafaca bidix Marcelo.

Valencia ayaa heshay fursad ay ciyaarta ku barbareyso markii rigoore loo dhigay daqiiqadii 29aad iyadoo kubada ay ku dhacday garabka Vazquez oo daafaca midig ka ciyaarayay.

VAR ayay waqti dheer ku qaadatay inay xaqiijiso rigoorada, iyadoo rigooradii la tuuray oo Valencia ay dhaliyeen ay sababtay in iyadana dib loo tuuro daqiiqadii 35aad madaama xiddig uu xerada ganaaxa ku jiray markii la tuurayay. Ugu danbeyn Valencia waxaa u barbareeyay Carlos Soler oo rigooradii ku celiska dhaliyay inkastoo uu goolhaye Courtois taabtay kubada.

Valencia ayaa ciyaarta u rogtay dhanka kale daqiiqadii 44aad markii kubad karoos ah oo ay soo dhigeen uu Raphael Varane ka dulqaaday goolhaye Courtois kaasoo ku guuldareystay inuu kubada ka ilaaliyo inay dhaafto xariiqda goosha. VAR ayaa dib u eegis ku sameysay haddii ay kubada dhaaftay xariiqda goosha waxayna xaqiijiyeen inay dhaaftay oo uu Courtois badbaadin waayay kubadii ka soo baxday lugta Varane.

Jugadores del Valencia celebran un gol ante el Real Madrid

Varane ayaa iska dhaliyay labo gool shantii kulan ee ugu danbeysay ee Real Madrid uu u ciyaaray tartamada oo dhan, waxayna la egtahay intii uu iska dhaliyay 324 kulan oo ka horeysay.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Valencia. Bilowgii qeybta labaad Valencia ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka seddexaad markii uu Kang-In birta u garaacay Courtois.

Valencia ayaa rigoore kale loo dhigay daqiiqadii 51aad markii Marcelo uu xerada ganaaxa qalad kula galay Gomez. Waxaa rigoorada u soo istaagay Soler oo mar kale shabaqa ka soo taabtay Courtois isagoo hogaanka Los Che ka dhigay 3-1.

Image

Real Madrid ayaa durbadiiba damacday inay ciyaarta dib ugu soo laabtpo markii Valverde uu kubad darbo halis ah ku xaday goolka Valencia laakiin goolhaye Jaume ayaa ahaa mid u soo jeeday isagoo isku tuuray islamarkaana badbaadiyay kubada.

Valencia ayaa rigoore seddexaad loo dhigay markii Sergio Ramos uu gacan ku taabtay kubada isagoo xerada ganaaxa ku jira. Waxaa rigoorada u soo istaagay markii seddexaad Soler oo dhameystirtay seddexleydiisa oo rigoore wada aheyd .

Daniel Wass (Valencia), Marco Asensio (Real Madrid), Gil Manzano y Vini Paixão

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee Real Madrid seddex rigoore laga dhigo hal kulan gudaheed. Haka Soler uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee seddex rigoore hal kulan dhaliya horyaalka La Liga qarnigaan 21aad.

Xaalada Real Madrid ayaa sii xumaatay markii uu daqiiqadii 78aad ka dhaawacmay Karim Benzema iyadoo uu bedelay Mariano Diaz. Waxaa isna sidoo kale dhaawac ku baxay Fede Valverde iyadoo uu bedelay Toni Kroos.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay Valencia oo 4-1 ku garaacday Real Madrid iyadoo seddex rigoore oo xiriir ah laga dhaliyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*