Cirstiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Usain Bolt Oo Ku Biiray Muranka Midka Ugu Fiican Adduunka, Xiddigee Ayuu Doortay.

Orodyahanka caanka ah ee Usain Bolt ayaa ku biiray muranka soo jireenka ah ee kubada cagta ee midkooda fiican xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa sanadihii ugu dambeeyay si gaar ah ugu xafiiltamayay kubada cagta iyaga oo isku baacsanayay rikoodhada kala duwan ee kubada cagta.

Usain Bolt ayaa waraysi siiyay wargayka La Gazzetta dello Sport iyada oo wax laga waydiiyay muranka joogtada ee ka dhexeeya labada xiddig ee u ciyaara kooxaha Barcelona Iyo Juventus.

“Way adagtahay in aan doorto sababta oo ah waxa aan taageeraa xulka Argentine laakiin sidoo kale waxa aan ahay taageero weyn oo Cristiano Ronaldo ah”ayuu Bolt yidhi.

“Waxa aan la socday Ronaldo tan ilaa markii uu u ciyaarayay Man United sababta oo ah waxa aan ahay Taageere Red Devils ah, waxan u malaynayaa in uu haysto wax uuna haysan Messi waana in uu isku muujiyay horyaalo badan sidaas darteed waxa aan aaminsanahay in uu Ronaldo Fiicanyahay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*