
Man United ayaa la xaqiijiyay in ay go`aansatay in January ay iska iibiyaan mid ka mid ah daafacayada kooxdaas
The Sun ayaa qoreysa in macalin Ole Gunner uu siiyay maamulka sare ee kooxda in laga taqaluso Phil Jones oo isla gudaha Ingiriiska laga doonayo
Sida wargeyskaas uu qorayo United ayaa ku qiimeystay Jones aduun dhan 20 milyan oo gini waxa uuna qanadaraaskiisa dhacayaa xagaaga 2023-ka
Kooxda Fulham ayaa haatan ugu cad kooxaha doonaya laacibkaas , kaliya waxa welka ku abuuraya ayaa ah dhanka mushaarka uu ka qaato United
Laacibkaas ayaa u muuqda mid qorshayaasha macalin Ole Guner ka baxay mana jirto illaa iyo haatan wax kulan oo uu u saftay kooxda xilli ciyaareedkaan
Jones oo 28 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedyadii la so dhaafay ka sheeganayay dhaawac soo noq-noqday oo jilibka ah taasi oo saameysay heer ciyaareedkiisa