Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Athletic Bilbao Oihan Sancet, kaasi oo ka soo muuqday bartilmaameedka ugu sareeya ee Red Devils.
Tan iyo markii uu ka soo gudbay akadeemiyadda dhalinyarada ee Bilbao, Sancet waxa uu u saftay in ka badan 200 oo kulan kooxda Basque, isagoo u dhaliyay 43 gool.
25 jirkaan ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha hibada leh ee u soo baxay La Liga, waxaana la sheegay in kooxo badan oo Premier League ah ay ku loolamayaan saxiixiisa ka dib markii uu dhaliyay 17 gool 2024-25, xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xirfadiisa ciyaareed.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ayaa horumar tartiib tartiib ah sameeyay tan iyo 2019, waxaana uu muujinayaa nuxurka mashruuca isboorti ee Bilbao, kaas oo ku saleysan dhalinyaro iyo dadaal.
Man Utd oo isha ku haysa Sancet?
Sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday Fichajes, Man Utd ayaa diyaar u ah inay ku bixiso adduun dhan 60 milyan ginni si ay ula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe, maadaama ay dareemayaan in ciyaaryahanka reer Navarrese uu ku habboon yahay shuruudahooda.
Red Devils ayaa tartan adag kala kulmi karta kooxaha kale ee ku xifaaltama Premier League, iyadoo Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Aston Villa lagu soo waramayo inay u dhaqaaqi doonaan toddobaadyada soo socda.
Ruben Amorim waxa uu raadinayaa ciyaaryahan awood u leh inuu isku xidho khadadka hore isla markaana uu goolal ka dhaliyo khadka dhexe, Sancet ayaana awood u leh inuu sidaas sameeyo.
Bilbao ayaa ka shaqaynaysa in ay u soo bandhigto heshiis ka fiican laakiin waxa ay fahansan yihiin in ay ku adkaan karto in ay sii haystaan isaga hadii kooxaha Premier Leaque-ga ahi ay soo bandhigaan dalab qaali ah.
Intaa waxaa dheer, Sancet wuxuu muujiyay inuu u furan yahay sahaminta fursadaha kale ee mustaqbalka, laakiin hadda, wuxuu si buuxda diiradda u saaray mashruuca Bilbao.
Amorim waxa uu haystaa Mason Mount iyo Bruno Fernandes oo ah laba khadka dhexe ee tayada leh, laakiin Sancet waxa uu siin karaa wod dheeaaraad oo faa`ido badan leh
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa sidoo kale u ciyaari kara sidii sagaalaad oo been abuur ah, waxaana uu muujiyay la qabsigiisa taatikada 4-2-3-1 iyo 4-3-3, halkaasoo uu ku qabsaday boosas kala duwan oo weerar ah isagoo aan wax saameyn ah lumin.
Be the first to comment