United Oo Doonaysa Ben White, Liverpool Oo Heshay Badalka Salah Iyo Wararkii Ugu Weynaa Maanta.

Arteta oo bartilmaameedsaday xiddig cusub

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu bartilmaameed ka dhigtay khadka dhexe ee Sunderland, Enzo Le Fee, kaasoo noqon kara saxiix lama filaan ah oo muhiim u ah xagaaga 2026.

Newcastle oo ogaatay in ay iibiso Tonali

Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay ogolaatay iibinta Sandro Tonali xagaagan, haddii shuruud gaar ah la buuxiyo, kadib xiisaha Manchester United.

Rogers oo loo Sheegay in uu diido Chelsea

Xiddiga Aston Villa Morgan Rogers ayaa lagu booriyay inuu sii joogo kooxdiisa, inkastoo ay xiiseynayaan Chelsea iyo Manchester United.

Man Utd oo indhaha ku haya Ben White

Manchester United ayaa si dhow ula socota xaaladda Ben White ee Arsenal, iyadoo la sheegay in Arsenal ay ogolaatay suurtagalnimada heshiis xagaaga.

Chelsea Oo heshay badalka Garnacho

Chelsea ayaa horey u heshay beddelka Alejandro Garnacho, iyadoo warar sheegayaan inuu ka tagi karo kooxda kadib hal xilli ciyaareed.

Xiddig Barcelona ah oo aan faraxsanayn

Ciyaaryahanka Barcelona Roony Bardghji ayaa qirtay inuusan si buuxda ugu qanacsanayn kooxda, isagoo doonaya waqti ciyaareed dheeraad ah oo uu ka helo tababare Hansi Flick.

Liverpool oo raadinaysa beddelka Salah

Liverpool ayaa si dhab ah u bilowday raadinta beddelka Mohamed Salah, iyadoo xiiso u qabta xiddiga Juventus Francisco Conceicao.

Chelsea Oo Go’aan Ka gaadhay Acheampong

Chelsea ma qorsheyneyso inay iibiso Josh Acheampong inkastoo ay jiraan kooxo badan oo xiiseynaya.

Man United oo badashay go’aankeedii ku saabsanaa Rashford  

Manchester United ayaa beddelay mowqifkooda ku saabsan Marcus Rashford, taasoo cadaadis saari doonta Barcelona.

Rodri Oo heegan Galiyay Real Madrid

Rodri ayaa si lama filaan ah u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro Real Madrid, taasoo gilgishay Manchester City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga