Young Boys Oo Garaacday Man United , Daqiiqadihii Dheeriga Ayaa Laga Badiyay

Young Boys ayaa daqiiqadihii dheeriga ciyaarta waxa ay ka gaareecn Man united oo 10 ciyaartooy ku dhameystay ciyaarta

Sheekada labada qeyb:Young Boys iyo United ayaa nasiinada ku aaday hal gool oo nadif ah ee uu dhaliyay Ronaldo waxaana biloowgii aad u hanaan wacneyd United waana midda keentay goolka waqtiga hore yimid

United waxa ay ku wacnaayeen in kubadda afka hore geeyaan xilli Ronaldo uu ka xamaalanayay aagga goosha , United baasas wacan ayay ciyaarayeen xilli kooxda garoonka u muuqdeen kuwo kubad taxadar leh ciyaarayay

Xili United xaalka uu sidaas u ahaa kana wacnaayeen dhanka weerarka kooxda Young Boys waxaa kaarka cas laga siiyay Aaron Wan-Bissaka daqiiqadii 35-aad xilli goolkii Romaldo-na u ahaa daqiiqadii 13-aad

Ka dib dhacdadaas , Boys kubado halis ah ayay ku helayeen United xilli goolhaye De Gea uu hor istaagay , waxaana United durba laga dareemay in 10 ciyaar yihiin ay yihiin , waxa uuna macalin De Gea soo giliyay, waxa ayan United horay ka saareen Sancho oo lagu badalay Jadon Sancho

Biloowgii , ciyaarta si ayay u degtay ma jirin halis gilin ay isku sameynayeen ma jrrin xilli United ay foojignaan ka muuqatay, waxa ayna United horay soo giliyeen soo laabashadii Varane oo loo saaray Van De beek

Ka dib dhacadaas , kooxda garoonka iyaga ayaa kubadda ku badnaa waliba gaarsiinayeen goosha ilaa ugu dambeyn gool cajiib ay ka shaqeeyeen waxaana daqiiqadii 66-aad dhaliyay

United waxa daqiiqadii 72-aad saareen Roanldo oo lagu badalayLingard Halka Fernandes isna la badalay waxaana la soo giliyay Matic

Wax gaar ah oo laga qoro dhamaadkii ma jirirn si ayay u degtay ciyaarta , United kuma aysan dhiiraneyn in afka hore u dhaqaaqaan waxa ayan ku jireen difaac

Youg dhamaadkii waqtiga dheeriga waa ay ciqaabeen United ilaa goolka guusha ay heleen , waxa ayna ciyaarta ku  dhamaatay 2/1.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*