United Iyo Liverpool Oo Ku Loolamaya Saxiixa Xiddig Ka Xamaasha Ajax

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Liverpool iyo Man United ku dagaalamayaan saxiixa mid ka mid ah xiddigaha kooxda Ajax

United waxaa ka go`an in laba weeraryahan kooxda ku soo biiriyaan halka Liverpool iyana rabaan garab cuusb maadaama laga yabo in midkood kooxda uu ka huleelo Mane , Salah iyo Firminho

Sida wargeyska Mirror qorayo , United ayaa su dhab ah u dooeysa saxiixa xiddiga reer Brazil iyo kooxda Ajax ee Antony Matheus

Macalinka cusub United ee Ten Hag ee todobaadyada soo socda soo shaqo galaya ayaa maamulka United ka dalbaday in lala soo hishiyo 22 sano jirkas

Sidaas oo ay tahay United waxa ay loolan kala kulmeysaa Liverpool waxaana aad ula dhacsan macalin Klopp

Antony Matheus ayaa xilli ciyaareedkaan u saftay Ajax 33 kulan dhamaan tartamada , 12 gool ayuu dhaliyay halka 10 kalena uu caawiye ka ahaa

Sidaas oo ay tahay ma jirto koox dalab rasmi ah ka geysay Antony Matheus marka laga yimaado xiisaha ay muujiyeen