UEFA Saacadaha Soo Socda Go’aan Ka Gaadhi Doonta Mustaqbalka Kooxihii Ku Midoobay Tartanka European super league, Maxaa La Filan Karaa.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa saacadaha soo socda qaadan doona shir aan caadi ahayn kaas oo go’aan looga gaadhi doono kooxihii aas-aasay tartankii fashilmay ee European super league.

Isniintii la soo dhaafay ayay ahayd markii kubada cagta yurub ka qaraxday lama filaan kadib markii 12 kooxood oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub ku heshiiyeen in ay ku midoobaan tartan cusub oo lagu magacaabo European super league.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus, Liverpool, Man United, Man City, Atletico Madrid, Chelsea, Arsenal, Ac Milan, Tottenham Iyo Inter Milan ayaa ku heshiiyay in ay ka goostaan UEFA Waliba Aas-Aasaan tartan ay iyagu todobaad walba isaga hor iman doonaan.

Laakiin kadib cadaadis waali ah oo uga yimid taageerayaasha, Xidhiidhada dalalka, Xidhiidhada UEFA Iyo FFIFA, Xiddigaha waxa ay kooxaha intooda badan ka bexeen tartanka taas oo fashililsay tartanka.

UEFA ayaa soo dhawaysay go’aanka ay kooxahaas uga bexeen tartanka laakiin xidhiidhka kubada cagta yurub ayaan halkaas kaga hadhi doonin kooxaha ku heshiiyay tartanka European super league.

Hadaba xidhiidhka ayaa maanta yeelan doona kulan xasaasi ah halkaas oo lagu go’aamin doono waxa laga samayn doono 12-ka kooxood ee ka falaagoobay kubada cagta yurub.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa wax walba oo la filayo waxa ay wargaysyada adduunku hadal hayaan.

Waa Goorma Shirku?

Shirka aan caadiga ahayn ayaa dhici doona saacadaha soo socda iyada oo masuuliyiinta kala duwan shirka ugaga qayb gali doonaan qaab maqal iyo muuqaal ah maadama aan si toos ah la isugu iman karin.

Maxay Wargaysyadu ka qorayaan waxa ka soo bixi kara shirka?

Tan ilaa markii uu bur-buray tartanka European super league waxa la hadal hayay waxyaabaha laga filan karo ganaaxa ay UEFA dusha ka saari karto kooxaha ka falaagoobay qaarada yurub.

Madaxweynaha UEFA ayaa laftiisu sheegay in uu ganaaxyadu ka bilaaban karaan kulamada Semi-final-ka tartanka champions League ee xilli ciyaareedkan ee la ciyaari doono maalmaha yar ee soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay UEFA tartanka gabi ahaan xilli ciyaareedkan ka reebi karto kooxda Real Madrid kuwaas oo aan wali ka bixin tartanka kuna adkaysanaya in ay ka sii qayb ahaan doonaan.

Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in ay UEFA Dhamaan kooxaha 12-ka ah muddo hal sano ah ka ganaaxi doonto ka qayb galista tartanka champions League waliba ayna ciyaari doonin xilli ciyaareedka dambe.

Isku soo wada duuboo waxa haatan la sugo ayaa ah go’aanada ay UEFA ka soo saarto kooxaha ka baxay saacaha soo socda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.

1 Comment

  1. UEFA waxba kama badalikaraan waayo
    Waa nin lacag haysta weeye
    Iyo taageerayaal
    Waxaa UEFA KAHOR IMAANI FANSKA
    MARKA WAXAY KOOXUHU KULAABANAYAAN EUROPEAN SUPER LEAGUE
    WAYNA U SAHLANAN KUBIIRITAANKOODA
    CHELSEA FANS

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*