
UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee wareegii 16-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Waxa salaasadii Iyo Arbacadii la ciyaaray kulamada lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.
Kooxaha Arsenal, Barcelona, Real Madrid, PSG, Dortmund, Aston Villa, Inter milan Iyo Bayern Munich ayaa iska xaadiriyay wareega xiga.
Kadib kulamada la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican iyada oo lagu qiimaynayo qaab ciyaareedka xiddigaha.
Kooxaha PSG Iyo Dortmund ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig.
Kooxaha Inter, Real Madrid, Aston Villa, Barcelona, Atletico Madrid, Arsenal Iyo Bayern Munich ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.
Be the first to comment