UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka champions League kadib markii la ciyaaray 4 kulan labadii maal ee la soo dhaafay ee Salaasadii iyo Arbacadii.

Waxa la soo afjaray wareega 8 dhamaadka champions League iyada oo ay 4 kooxood iska xaadiriyeen Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay UEFA ayaa ka soo xulatay 11-ka xiddig ee ugu fiican iyaga oo ka dhigay shaxda todobaadka ugu fiican champions League.

Kooxda Bayern Munich oo garaacday kooxda PSG laakiin ka hadhay tartanka ayaa shaxda xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo ku leh 4 xiddig kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Kooxda Man City ayaa dhankeeda 2 xiddig ku leh shaxda halka kooxaha Liverpool, Fc Porto, Chelsea, Real Madrid iyo Borussia Dortmund min hal xiddig ku leeyihiin shaxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*