UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Champions League Toodbaadkan.

UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican ee todobaadkii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League ee la ciyaaray todobaadkan.

Waxa Salaasadii iyo Arbacadii la ciyaaray Kulamada 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Waxa jira xiddigo badan ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican kulamadii la ciyaaray kuwaas oo ay UEFA ka soo xulatay xiddigaha ugu fiican.

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Man United ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh min laba xiddig kuwaas oo si fiican u ciyaaray.

Kooxaha Borussia Mönchengladbach, Liverpool, Chelsea, Sevilla, Man City, Atletico Madrid iyo Man City ayaa dhankooda min hal xiddig ku leh.

دوري أبطال أوروبا

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*