UEFA Oo Ku Dhawaaqday Sedexda Tababare U Sharaxan Abaal Marinta Macalinka Sanadka Ee Xilli Ciyaareedkii Hore

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub “UEFA” ayaa ku dhawaaqay seddexda musharrax ee u sharraxan abaalmarinta tababaraha ugu fiican Yurub xilli ciyaareedkii 2022/2021.

Maanta ayay UEFA ku dhawaaqday musharaxiinta u sharaxan abaal marinta xiddiga ugu fiican qaarada yurub xiliciyaareedkii hore, waxayna hadda soo bandhigeen saddexda musharax ee u sharaxan abaal marinta.

Saddexda musharrax ee u sharraxan abaal-marinta xiddiga sannadka ee xilli ciyaareedkii hore ayaa kala ahaa kubad sameeyaha Manchester City Kevin De Bruyne, iyo labada ciyaaryahan ee Real Madrid, Thibaut Courtois iyo Karim Benzema.

Liiska tababarihii ugu fiicnaa ayaa waxaa ka mid noqday tababaraha reer Italy ee Carlo Ancelotti, Germani Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola.

Carlo Ancelotti waxa uu Real Madrid kula guuleystay Champions League iyo Spanish League, halka Klopp uu kula guuleystay League Cup iyo FA Cup, halka Pep Guardiola uu ku guuleystayhoryaalka Premier League.