UEFA Oo Ganaax Dusha Ka Saartay Xiddig Man United Ee Aaron Wan-Bissaka Kadib Kaadhkii Casaanka Ahaa Ee Uu Qaatay.

UEFA ayaa ganaax 2 kulan ah dusha ka saartay xiddiga Aaron Wan-Bissaka kadib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Young Boys ee champions League sida ay xaqiijisay Gudida Anshaxa ee UEFA.

Aaron Wan-Bissaka ayaa qaatay kaadhka cas ee tooska ah daqiiqadii 35-aad ee kulanka kadib markii uu khalad ku galay xiddiga kooxda Young Boys ee Christopher Martins Pereira.

Xiddiga ayay ahayd in uu kaliya maqnaado hal kulan laakiin ganaaxiisa ayaa kor loogu qaaday 2 kulan taas oo la macno ah in uu maqnaan doono kulanka Villreal ee caawa iyo waliba kulanka Atalanta ee bisha dambe.

Xiddiga Wan-Bissaka ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan oo ku saabsan khaladka uu galay kaas oo keentay in ay kooxda Young Boys guul lama filaan ah ka gaadho kooxda Red Devils.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*