U Dhaqaaqistii Man United Ee Raphael Varane Oo Uu Shaki Soo Wajahay, Sabab.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso bedelka daafaca Real Madrid Raphael Varane.

Xiddiga reer France ayay 12 bilood uga hadhsantahay heshiiskiisa kooxda Los Blancos kaas oo kooxda joogay ilaa xagaagii 2011.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa doonaya in uu tartan cusub ciyaaro taas oo keentay in ay Man United xiiso xoogan u muujiso saxiixa xiddiga reer france.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in ay Man United haatan ka shakisantahay in ay dhamaystiri karto saxiixa xiddiga.

Sabab la xidhiidha in ay Real Madrid diidantahay in ay aqbasho qiimo aad u yar si ay u iibiso xiddiga, United ayaa la sheegayaa in ay calaamadsatay xiddigo kale oo ay badalka Varane u dhaqaaqdo xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*