U Ciyaaristii Rashford Ee Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Barcelona Oo Dib U Dhacay.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay kansashay kulankeedii saaxiibtinimo ee furitaanka isku diyaarinta ciyaareedka cusub, taasoo dib u dhigtay fursad uu Marcus Rashford u safan lahaa kulankiisii ugu horreeyay.

Xiddigii hore Man United ee Rashford oo 27 jir ah ayaa amaah hal xiliciyaareed ah ugu biiray Barca isaga oo kaga soo biiray Manchester United.

Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa fursad u heli doonta inay si joogto ah ula wareegto xagaaga soo Aadan.

Xiddiga Rashford waxa uu diiradda saarayaa sidii uu si joogto ah ugu ciyaari lahaa kooxda Barcelona.

Axada, Barcelona ayaa ku wajahneyd kooxda reer Japan ee Vissel Kobe kulan saaxiibtinimo, waana kulankoodii ugu horeeyay ee xagaaga.

Laakiin kulankaas ma dhici doono ka dib markii Barca ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay inuu jiro jebin weyn oo dhinaca heshiiska ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga