Tuchel” Laba Arin Oo Yaab Leh Ayaan Ku Arkay Ciyaartooyda Chelsea Horayna Looga Baran”

Chelsea ayaa guul darro kala soo laabatay Juventus oo hal gool uga taqalustay iyaga oo wada ciyaaray kulan wareegga 2-aad ee Group-yada Champion-ka ah

Tababaraha Chelsea ee Tuchel ayaa aaminsan in kooxdiisa ay gaabis ahaayeen ayna u sii dheereyd daal kulankii ay Juve ka hor tageen

BT Sport ayuu Tuchel ka yiri ” kulan heerkaan oo kale ah iyo goolka aan qaabilnay isma laha , waan ognahay wax dhacaya , run ahaantii qaladkeena waa nalagu ciqaabay”

” Si wacan kuma aynu bilaaban ciyaarta , halis gilin afka hore ma aynu sameyn , dhab ahaan waa xanuun  guul daradaan”.

“Halka waddo Juve iiga badisay waa in daafac adag xerteen ayna inoo diideen dal daloolo aan kubadda marsiino”ayuu sii raaciyay macalinka Chelsea .

” Ciyaartooydeda waxaan ka dareemay daal iyo gaabis , xittaa maskixiyan waa ay hooseyeen , dhab ahanatii aniga arintaan ma fahmi karo mana taxliilin karo”ayuu yiri Tuchel

Guul dardaan ayaa u ah tii labaad xariir ah oo ay Chelsea la kulmayaan waxaana horay horyaalka ingiriiska ku garaacday Man City

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*