Trent Alexander-Arnold Oo Si Maldahan Go’aan Uga Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool.

Trent Alexander-Arnold ayaa ‘ku faraxsan’ mustaqbalka Liverpool, inkastoo ay jiraan warar xan ah oo la xiriirinaya Real Madrid.

Xiddiga reer England ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo reer yurub ah kana mid tahay Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan kooxdooda.

Si kasta ha ahaatee waxa ay haatan u muuqataa in uu xiddigu sii joogi doono Liverpool kadib markii uu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mustaqbalka kooxda.

“Aniga ahaan, waan ku faraxsanaa in aan la shaqeeyo tababaraha aanan horay ula shaqayn”ayuu yidhi.

“Markii aan la hadlay tababaraha waxa aan ku farxay qorshaha iyo qaabka uu uga hadlay”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga