Trent Alexander-Arnold Oo Laga Helay Xanuunka Korona, Miyuu Ciyaari Doonaa Kulanka Arsenal?

Xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee laga helo xanuunka Korona.

Reds ayaa xidhay garoonka tababarka Todobaadkii hore kadib markii uu xanuunka Korona ka dhex dilaacay kooxda dhexdeeda taas oo keentay in la baajiyo kulankii Arsenal.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa shalay Axadii la ciyaaray kooxda Shrewsbury Town kulan ka tirsanaa FA Cup-ka laakiin xiddiga Alexander-Arnold ayaa seegay kulanka.

Si kasta ha ahaatee Sky Sport ayaa sheegaya in uu xiddiu ka soo kabsan doono xanuunka Ka hor kulanka khamiista ee ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Arsenal kulanka EFL Cup-ka.

Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay xiddigaha Joel Matip iyo Roberto Firmino ka soo laabteen xanuunka Korona.