
Trent Alexander-Arnold ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalab kale oo qandaraas cusub ah oo uga yimid Liverpool isagoo isha ku haya inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid.
Liverpool ayaa haysata dhawr ciyaartoy oo magac sare leh oo uu dhamaanayo qandaraaskooda, iyadoo Alexander-Arnold uu kula biiray Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk.
Inkastoo Liverpool ay weli rajo ka qabto inay dib u cusboonaysiiyaan heshiiska Salah iyo Van Dijk laakiin waxa uu shaki ku jiraa mustaqbalka Alexander-Arnold Kaas oo la sheegayo in uu 99% ku biiray Real Madrid.
Haatan Wargayska MARCA Ayaa sheegaysa Alexander-Arnold ayaa diiday dalabkii cusbaa ee ugu dambeeyay ee Liverpool.
Waxaa la sheegay in Alexander-Arnold uu doonayo in uu ku biro Real Madrid kana tago kooxda Liverpool.
Heshiis ku saabsan heshiiska shaqsiga ah ayaa dhexmaray Madrid iyo Alexander-Arnold kaas oo aan wali saxiixin heshiis horudhac ah laakiin si weyn ayaa loo filayaa in uu u dhaqaaqo Santiago Bernabeu xagaaga.
Be the first to comment