Tottenham Oo Ku Digatay Arsenal ka Hor Kulankooda Champions League

Kooxda Tottenham ayaa ka adkaysan wayday in ay ku digato kooxda ay ku xafiiltamaan Woqooyiga magaalada London ee Arsenal ka hor kulankooda champions League.

Tottenham ayaa la ciyaari doonta Marseille kulankooda ugu horeeya ee wareega Group-yada tartanka champions League kadib markii ay Arsenal ku garaaceen kaalinta 4-aad maalintii ugu dambaysay xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Tottenham ayaa ka hor kulanka bogeeda Twitter-ka soo digtay calaamaada champions League iyada oo ku qortay”Waan soo laabanay”.

Qoraalka ay Tottenham ku soo qortay Twitter-keeda ayaa ah mid uu qoray Goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale kaas oo sidaas ku qoray baraha bilshada bilowgii xilli ciyaareedkan markii ay Arsenal sida fiican ku bilowday xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa dhinaceeda ka qayb gali doonta tartanka Europa League iyada oo habeen dambe la ciyaari doonta kooxda Fc Zurich