Tony Adams Oo Tilmaamaya Labada Boos Ee Arsenal Ay Tahay Inay Xoojiso Si Ay Ugu Guuleysato Horyaalka

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Tony Adams ayaa sheegay in Arsenal ay u baahan tahay goolhaye cusub iyo No.10 si ay u gaarto heer kale uguna guulaysato horyaalka Premier League.

Gunners ayaa guul cajiib ah oo 1/0 ah ka gaadhay Man United Axadii iyaga oo soo afjaray guul la’aan 14 sano ah.

Goolkii Pierre-Emerick Aubameyang ee rigoorada ayaa ugu filnaaday kooxda woqooyiga London inay qaadato saddexda dhibcood isla markaana ay soo afjarto 29 kulan oo ay ciyaartay iyada oo aan wax guul ah ka gaadhin 6-da kooxood ee ugu waaweyn.

Kadib guushaas Arsenal ayaa gashay kaalinta 9-aad iyaga oo kaliya hal dhibic ka dambeeya booska 4-aad ee kala saraynta premier league.

Halyeeyga Gunners Adams ayaa dareensan in kooxdiisii ​​hore ay si dhaqso leh horumar ku sameyneyso, laakiin wali u baahan yihiin Goolhaye iyo kubad sameeye khadka dhexe ah si ay ugu guulaystaan horyaalka premier League.

“Waxaan u maleynayaa inay haatan u baahanyihiin kaliya Goolhaye iyo No.10 si ay ugu guulaystaan horyaalka premier League”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*