
Mustaqbalka Toni Kroos ee Real Madrid ayuu shaki soo wajahay kadib markii uu xiddigu diiday heshiis cusubaa ee ay Real Madrid u soo bandhigtay.
Kroos ayaa diiday heshiis cusub oo ay Real Madrid u soo bandhigtay iyada oo ay talaabadaas heegan galisay kooxaha premier League.
Heshiiska Kroos ee Real Madrid ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu xiddiga reer Germany diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda.
Sida laga soo xigtay wargayska Sports Mole, waxa jira 3 kooxood oo u dhaqaaqi kara saxiixa xiddiga Toni Kroos kadib markii uu diiday heshiiska cusub.
Kooxaha Man United, Man City iyo Chelsea ayaa ah 3-da kooxood ee u dhaqaaqi kara saxiixa xiddiga reer Germany inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Be the first to comment