Todd Boehly Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Chelsea.

Guddoomiyaha Chelsea Todd Boehly ayaa ku booriyay taageerayaasha inay aaminaan nidaamka iyadoo cadaadisku uu sii socdo inuu kor u kaco milkiilayaasha iyada oo ay kooxdu ku jirto xaalad adag.

Chelsea ayaa mar kale bar-baro 2/2 ah la gashay Burnley Sabtidii iyada oo kooxdu ku jirto kaalinta 11-aad ee kala saraynta premier League.

Chelsea ayaa haatan u dhaw boosaska looga hadho premier League marka loo bar-bar dhigo boosaska loogu soo boxo yurub.

Tababaraha kooxda ee Mauricio Pochettino ayuu saaran yahay cadaadis xoogan iyada oo ay taageerayaal badan dalbanayaan in shaqada laga caydhiyo.

Sidoo kale Taageerayaasha Blues ayaa cadaadis waala saaraya Boehly oo ah milkiilaha kooxda kaas oo iibsaday kooxda”.

“Waxa aan u baahanahay in aan u ogolaano in aan horumarin kooxda, waxa aan haysanaa xiddigo cajiib ah”.

“Taageerayaashu u samraan kooxda dadka way xanaaqsan yihiin laakiin waa in aan u samirnaa kooxda”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga