Tochel Oo Fariin Caga Jugleyn Ah U Diray Real ” Waan Sugeynay In Aan isku Aadno”.

Macalinka Chelsea ee Tochel ayaa quray in uu dareensan yahay in xaalad adag ay tahay in Real Madrid lagu wajaho tartanka Champion-ka

Labada koox ayaa talaadada ku kulmaya lugta koowaad ee wareegga 4-ta Champion-ka

Goal.com ayuu Tochel ka yiri ” Zidane qibrad tartankaan ah ayuu leeyahay , sedex jeer is xogta ayuu ku guuleystay , dhab ahaan waa arin ay adag tahay in koox waliba ay sameyso”.

“Kulankaan waxaan ku galeynaa heer ciyaareedkii noogu fiicnaa , waa run Rela ayaan la ciyaareyna wax adag oo intaas ka weyn ma jiraan”.

“Waa sax Real kulankaan iyaga oo maciin bidaya qibradooda ayay soo galayaan basle xageena waxaan ku kalsoonnahayay hamiga nagu jira”. ayuu yiri Tochel.

” Si xooggan ayaan ula dagaalmeynaa , hab geesinimo leh ayaan uga hor tageynaa , aan aragno cidda labada is arag badisa”.

Waxa uu intaas sii raaciyay tababaraha Chelsea”xittaa yaraanteyda ayaan ku hamin jiray in aan Real ka hor tago taasina wax shaki kuma jiro “.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*