TOBANKA Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Arsenal Oo La Soo Saarya Kadib Markii Thomas Partey Yimid Kooxda.

Thomas Partey ayaa Arsenal ugu biirayy lacag aad u badan maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga laakiin Mushaharkiisa ayaa ka yaabiyay taageerayaal badan oo Gunners ah.

Partey ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah Isniintii kadib markii ay Guuners bixisay lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisii Atletico Madrid.

Xiddiga reer Ghana ayaa lagu soo waramayaa in uu todobaadkii jeebka ku shuban doono lacag dhan 220 kun oo Gini todobaadkii.

Laakiin waxa jira kaliya xiddigo yar oo Arsenal ah oo ka mushahar badan xiddiga 27 jirka ah.

Xiddiga Mesut Ozil ayaa ugu horeeya isaga oo todobaadkii jeebka ku shubta lacag dhan 350 kun oo Gin.

Laakiin Ozil ayaan ahayn xiddiga ugu mushaharka badan Gunners maadama uu kabtanka Pierre-Emerick Aubameyang yahay xididga ugu mushaharka badan sida laga soo xigtay The Sun.

Hadaba halkan hoose Kaga Bogo Xiddigaha ugu mushaharka badan Arsenal kadib markii uu yimid Thomas Partey:

  1. Pierre-Emerick Aubameyang: £3575,000
  2. Mesut Ozil: £350,000
  3. Willian: £220,000
  4. Thomas Partey: £200,000
  5. Alexandre Lacazette: £182,000
  6. Nicolas Pepe: £140,000
  7. David Luiz: £125,000
  8. Hector Bellerin: £110,000
  9. Bernd Leno: £100,000
  10. Granit Xhaka: £100,000

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Oo Beesha Caalam-ka Waydiiyay Sababta Aan Somaliland Loo Aqoonsan Muddo 30 Sano Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*