TOBANKA Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Arsenal, Halkee Ayuu Aubameyang Kaga Jiraa Kadib Markii Uu Qalinka Ku Duugay Heshiis Cusub.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday  xiddiga ugu mushaharka badan kooxda Arsenal kadib markii uu ogolaaday in uu heshiis 3 sano ah u saxiixo kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Gabon ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga sanadka 2023.

Kabtanka kooxda Arsenal ee  Pierre-Emerick Aubameyang jeebka ku shuban doono lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii iyo waliba lacago guno ah.

Sidaas darteed xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqon doona xiddiga ugu mushaharka badan kooxda Arsenal isaga oo ka sare mari doona xiddiga Mesut Ozil.

Saxiixa cusub ee Willian kaas oo xagaagan si xor ah ugu soo biiray kooxda ayaa ah xiddiga 3-aad ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal.

Halka xiddigaha Lacazette, Pepe, Luiz, Bellerin, Kolasinac, Leno iyo Xhaka ku jiraan 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal.

Hadaba wargayska The Sun ayaa soo saartay Liiska 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan kooxda Arsenal:

Pierre-Emerick Aubameyang will be Arsenal's highest-paid player

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*