TOBAN Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Guuldaro Kala Kulmay Levante Xilli Xaalku Ku Sii Xumaanayo Zidane.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Levante kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkii 21-aad.

Qaybta Hore:

Real Madrid ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro halis galinayay kooxda Levante xilli ay doonayeen in ay goolal wakhti hore ah dhaliyaan.

Laakiin Los Blancos ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii daqiiqadii 9-aad loo taagay kaadhka cas ee tooska ah xiddiga daafaca ka ciyaara ee Eder Militao.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen dadaalka ay ku doonayaan goolal ay ka dhaliyaan kooxda Levante kuwaas oo dhiiraday kadib markii ay Real 10 xiddig noqotay.

Daqiqiadii 13-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marco Asensio kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Levante ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo waliba rogaal celis ah xilli ay Real Madri dhexda banaysay maadama ay Casemiro difaaca u celisay.

Los Blancos ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay ciyaarta ku dhalin karto goolal kale laakiin xiddigaha Aseniso iyo Casemiro ayaa iska khasaariyay fursadahaas.

Daqiiqadii 32-aad ayay Levante dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jose Luis Morales Kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Los Blancos si fiican u ciyaartay inkasta oo ay 10 xiddig ahaayeen tan ilaa bilowgii ciyaarta.

Qaybta Dambe:

Kooxda Real Madrid ayaa waji aan sidii ay qaybta hore ku dhamaystay la soo gashay qaybta dambe iyaga oo ahaa kuwo aad u xun oo aan laba kubad isku dhiibi karin.

Taas ayaa dhiiri galisay kooxda Levante waxana ay sii laba jibaareen dadaaladooda ay ku doonayeen in ay Real Madrid kaga dhaliyaan goolal kale.

Kooxda Levante ayaa daqiiqadii 64-aad heshay rikoodhe laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay Goolhaye Courtois kaas oo kooxdiisa ku sii hayay ciyaarta.

Laakiin Real Madrid ayaa u muuqday kuwo aan wax gool ah dhalin karin iyaga oo ay ka muuqatay niyad jab iyo waliba qaab ciyaareed xumo.

Daqiiqadii 72-aad ayay Levante xaalka ku xumaysay waxana ay dhaliyeen goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Roger kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kadib goolkaas Real Madrid ayaa si toos ah isku dhiibtay iyaga oo aan samayn fursado badan oo ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid la kulantay guuldaro xanuun badan inkasta oo ay 10 xiddig ahaayeen inta badan ciyaarta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*