TOBAN Xiddig Oo Leeds United Ah Oo Garaacay Man City Oo Ku Ciyaaraysa Garoonkeeda Etihad Stadium.

Kooxda Leeds United oo 10 xiddig ah ayaa guul ayaa garaacay kooxda Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premeir League kana dhacay garoonka Etihad Stadium.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ku adag kooxda Man City iyada oo Leeds United soo bandhigtay qaab ciyaareed difaac oo cajiib ah xilli ay sidoo kale ku qaadayeen weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Leeds United ayaa samaysay fursado halis galiyay kooxda Man City waxana ay ahaayeen kuwo ku cad-cad dhanka weerarka marka loo eego in ay weeraryahanda Man City ku dhibaatoodeen in ay dhaafaan daafaca Leeds United.

Daqiiqadii 42-aad ayay Leeds United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Stuard Dallas kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/o ay Leeds United ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin kooxda Leeds ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga kabtanka u ah ee Liam Cooper kaas oo khalad ku galay xiddiga Gabirel Jesus.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Leeds United hogaaminayso natiijo ahaan waliba 10 xiddig noqdeen kadib markii kaadhka cas looga saaray kabtankooda.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man City ayaa qaybta dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Leeds United gabi ahaan daafac gashay iyaga oo ilaashanayay goolka.

Man City ayaa laba jibaartay weerarada ay ku qaadayso kooxda Leeds United xilli ay Kooxda Leeds United 10 xiddig ku difaacanaysay goolkeeda si aan looga dhalin.

Laakiin daqiiqadii 76-aad ayay Man City dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ferran Torres kaas oo ciyaara ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Kadib goolkaas kooxda Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta gool ay dhaliyaan xilli ay Leeds United qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen daafaca Man City.

Kooxda Man City ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka guusha laakiin Leeds United ayaa naftooda u huray sidii ay u difaacan lahaayeen goolkooda.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Leeds United qaaday weerar rogaal celis ah iyaga oo uu goolka 2-aad u dhaliyay xiddiga Stuard Dallas kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Leed United ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Leeds United 10 Xiddig ah guuldaro dhabarka u saartay hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*