TOBAN Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Si Fudud Uga Talaabsatay Ferencvaros Guulna Ku Bilowday Champions League.

Kooxda Barcelona ayaa si fudud uga talaabsatay kooxda yar ee Ferencvaros Kulan ka dhacay Camp Nou oo dhinac kaliya ahaa kana tirsanaa wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda Ferencvaros ayaa kaliya ku faraxsanayd in ay ka hor imanayaan Barcelona iyaga oo aan muujin in ay 3-da dhibcood u yimaadeen magaalada Barcelona.

Taas ayaana Barcelona u fududaysay arimaha iyaga oo iska maamulayay ciyaarta kana awood badnaa kooxda Ferencvaros kuwaas oo aan samayn wax isku dayo ah

Daqiiqadii 27-aad ayay Barcelona furtay goolasha kadib markii uu Lionel Messi iska dhexmaray daafacyada Ferencvaros rikoodhena lagu galay.

Xiddiga Lionel Messi ayaa sidii caadada ahayd u istaagay Rikoodhada si qurux badana u dhex dhigay kubada shabaqa hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

Barcelona oo dareentay in ayna wax halis ah kala kulmi doonin xiddigaha Ferencvaros ayaa bilaabay in ay wada weerar tagaan si ay u dheeraystaan natiijada kulanka.

Daqiiqadii 42-aad ayay Barcelona u suurtagashay in ay dhaliyaan goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaloyay xiddiga Wacdaraha dhigaya ee Ansu fati.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona wax walba ka samaystay kulanka natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinaya goolal kale oo ay ka dhaliyaan kulanka.

Daqiiqadii 52-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Ferencvaros ayaa geesinimo isku yeeshay iyaga oo weerar ku qaaday kooxda Barcelona oo iska baraad la’ maadama ayna is lahayn way dhacaysaa marka loo eego sidii ay u ciyaarayeen.

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay dhirbaaxo daqiiqadii 68-aad kadib markii kaadhka cas ee tooska ah looga taagay daafaca Gerard Pique rikoodhe-na loo dhigay.

Daqiiqadii 70-aad ayay kooxda Ferencvaros dhalisay goolkooda riyada kadib markii uu xiddiga Igor Kharatin gool u badalay rikoodhadii loo dhigay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona oo aan ka daalin in ay madadaaliso kooxda Ferencvaros ayaa daqiiqadii 81-aad dhalisay goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay saxiixa cusub ee kooxda ee Pedri kaas oo furtay akoonkiisa goolasha ciyaartana ka dhigay 4/1.

Barcelona ayaa iska sii wadatay xafladeeda goolasha iyaga oo uu goolka 5-aad u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1 ay Barcelona ugu awood sheegatay kooxda Ferencvaros.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona awoodeeda ugu bar-baratay uguna tababartay kooxda Ferencvaros Guul weyna ugu bilaabatay champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*