TOBAN Xiddig Oo Arsenal Ah Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Waayay Leeds United.

Kooxda Arsenal ayaa sii waday luminta dhibcaha kadib bar-baro ay la gashay kooxda Leeds United kulan ka dhacay garoonla Elland Road kana tirsanaa horyaalka premier league:

Qaybta Hore:

Sidii aan caadada uga baranay kooxda Arsenal ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican dhanka weerarka iyo khadka dhexe ee ciyaarta.

Laakiin Daafaca Arsenal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican iyaga oo si fiican u difaacday waliba Leeds United u diiday in ay dhaliyaan goolal.

Leeds United ayaa dhanka kale ciyaarta dhamaan qaybtii hore ahayd kooxda fiican iyaga oo kaga fiicnaa dhanka kubad haysashada, weerarka iyo waliba samaynta fursadaha.

Laakiin Leeds United ayaan gool u badalin fursadihii ay heleen iyaga oo ku hor dhibaatooday goolka hortiisa waliba dhalin karay goolal badan marka la eego fursadaha ay heleen.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Leeds United ahayd kooxda fiican dhan walba oo laga eego qaybta hore ee ciyaarta.

Qaybta dambe:

Kooxda Arsenal ayaa sii waday qaab ciyaareedkii liitay ee dhanka weerarka xilli Leeds ay sii waday samaynta fursadaha laakiin ayna wax gool ah ka dhalinayn.

Arsenal ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 50-aad iyaga oo kaadhka cas loo taagay xiddiga Nicolas Pepe kaas oo kaadhka cas Loo taagay kadib markii uu madax ku dhuftay xiddiga Leeds United ah.

Kooxda Leeds United ayaa xitaa Arsenal birta u garaacda 3 jeer kadib markii ay kubado qurux badna goolka la eegteen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Leeds United Kulan ay Arsenal 10 xiddig ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*