Timo Werner Oo Xaqiijiyay In Uu Iska Diiday Liverpool & Man United Si Uu Ugu Biiro Chelsea

Xiddiga Cusub ee kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday Kooxaha Liverpool iyo Manchester United si uu ugu biiro Chelsea.

24-jirkan, oo hadda si rasmi ah ugu soo biiray Blues, ayaa dhaliyay 34-gool wuxuuna caawiyay 13 kale 45 kulan oo uu u saftay kooxda RB Leipzig intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2019-2020.

Inkasta oo uu xiiso ka helayay kooxo kale hadana Timo Werner ayaa sheegay uu Go’aan fudud ahaa ku biiristiisii kooxda Frank Lampard ee chelsea.

Werner ayaa u sheegay Sportbuzzer: “Waxaan ogolaaday in aan ku biiro Chelsea isbuucyo ka hor”.

“Wax walba waxa ay ahayd dhibaato la’aan sababta oo ah waxa aan haystay wakhti badna oo aan ku fikiro ka hor intii uuna xanuunka Korona bilaabmin, wax sir ah ma ahan in ay jireen dalabyo kale”.

“Waxa aan ku biiri karay Liverpool ama Man United, waxa jiray kooxo waaweyn oo igu dagaallamayay aniga laakiin Daalbka chelsea ayaa ahaa midka ugu fiican, aniga ahaan lacagtu ma ahayn ujeedka go’aankayga sababta oo ah lacagtu waxa ay ka ciyaartay doorka ugu yar”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*