Timo Werner Oo Ugu Dambayn Ka Baxay Abaartii Goolasha, Imisa Kulan Ayuuna Gool Dhalin?

Ugu dambayn xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner ayaa gool dhaliyay kadib markii uu Abaarta goolasha ka baxay kulankii ay kooxdiisu guusha 3/0 ah ka gaadhay kooxda Morecambe.

Timo Werner ayaa goolka 2-aad u dhaliyay kooxdiisa chelsea daqiiqadii 44-aad ee qaybtii hore ee ciyaarta isaga oo ka baxay abaartii goolasha oo ku daba dheeraa.

Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay muddo 2 bilood ah isaga oo ku dhibaatooday goolka hortiisa.

Markii ugu dambaysay ee uu Timo Werner gool dhaliyo ayaa ahayd bishii November isaga oo ka baxay abaartii ugu dheerayd ee dhanka goolasha xirfadiisa ciayareed.

Dhanka kulamada Timo Werner ayaan wax gool ah dhalin 12 kulan oo tartamada oo dhan ah ka hor intii uuna Morecambe ka dhalin goolka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*