Timo Werner Oo Sharaxay Sababtii Uu Isaga Diiday Liverpool Una Doortay Chelsea Ka Hor Kulanka Stamford Bridge.

Xiddiga cusub ee kooxda Chelsea Timo Werner ayaa xaqiijiyay inuu wadahadalo la yeeshay Liverpool laakiin uu aad u soo jiitay mashruuca Chelsea ka hor kulanka Axada ee ay Liverpool martida u noqon doonto Chelsea.

Xiddiga reer Germany ayaa u muuqday inuu ku biirayo Anfield bilowgii sanadkan laakiin kooxda Liverpool oo diidan in ay bixiso qiimihii ay RB Leipzig ku iibinaysay ayaa isaga hadhay taas oo keentay in ay chelsea dhamaystirto saxiixiisa.

Werner oo ka hor tagi doona Liverpool todobaadkan ayaa sheegay in uuna wax shalayn ah ka qabin in uuna ku biirin kooxda Liverpool inkasta oo uu dareensanyahay in ay Liverpool aad ugu soo baxayso qaab ciyaareedkiisa.

Markii la weydiiyay go’aankii uuna ugu biirin Liverpool iyo in uu leeyahay dhiiri galin dheeri ah kulanka Axada ayuu Werner yidhi”Waxaan u maleynayaa, haa, markii aan go’aansaday inaan ka tago Leipzig waxaan la hadlay kooxo Badan”.

“Chelsea iyo kooxo kale ayaan la hadlay laakiin ma doonayo in aan wax badan la hadlo kooxaha kale sababta oo ah waxa aan go’aansaday in ana ku biiro Chelsea”.

“Dabcan kooxaha waxa ka mid ahayd Liverpool waana koox weyn waxana laga yaabaa in aan ku soo baxayo qaab ciyaareedkooda”.

“Laakiin ugu dambayn waxaan go’aansaday Chelsea maxaa yeelay aniga ahaan wuxuu ahaa go’aanka ugu fiican ee aan qaadan karo. Kaliya maaha qaabka kubada cagta, sidoo kale sababtoo ah wixii ay i tuseen”

Laacib.net

1 Comment

  1. Liverpool adiga kama dooran Chelsea Ee Liverpool ayaa dalab kaso bixinin maaha muda Ka warsugeysay in Liverpool kula soo xariirto markey kula soo xariiri weysayna waku qasbanatay in Chelsea tagtid Runta Sheeg.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*