Timo Werner Oo Magacaabay Xiddig Liverpool Ah Oo Uu Ka Niyad Jabay In Aysan Chelsea U Dhaqaaqin Saxiixiisa.

Weeraryahanka kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa amaanay saaxiibkiisii ​​hore ee RB Leipzig haatana daafaca uga ciyaara kooxda Liverpool ee Ibrahima Konate.

Waxa uu xiddiga reer France ku amaanay sida uu u degen yahay waxana uu sheegay in uu ka niyad jabay in ayna chelsea u dhaqaaqin saxiixiisa.

Labada xiddig ayaa isaga hor iman doona Final-ka FA Cup-ka maanta ka dhici doona garoonka Wembley iyaga oo doonaya in ay ku guulaysiga kooka.

““Aad ayaan u jecelahay isaga, aad ayuu u degan yahay, seddex sano ayaan la ciyaaray isaga, waana daafac cajiib ah, nasiib darro ayay aheyd in Chelsea aysan u dhaqaaqin saxiixiisa”ayuu Werner yidhi.

“laakiin waxaan filayaa inay Liverpool heshiis aad u wanaagsan la gashay isaga”Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*