Timo Werner Oo Loo Sheegay In Uu Sameeyay Go’aankii Ugu Fiicnaa Markii Uu Iska Diiday Liverpool Kuna Biiray Chelsea.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Michael Ballack ayaa Xiddiga Timo Werner u sheegay in uu sameeyay go’aan fiican kadib markii uu iska diiday Liveprool kuna biiray kooxda chelsea.

Xiddiga reer Germany ayaa si weyn loo filayay in uu ku biiro Liverpool xagaaga iyada oo si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Jurgen Klopp ka hor intii uuna ku biirin Chelsea.

Laakiin sabab dhaqaale xumo oo ka timid xanuunka Korona ayaa sabab u noqday in ay Liverpool isaga hadho baacsigii ay ugu jirtay xiddiga taas oo keentay in ay chelsea dhamaystirto saxiixa xiddiga.

Werner ayaa ku soo biiri doona Blue bilowga xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay chelsea ku dhawaaqday saxiixa xiddiga reer Germany.

Ballack oo chelsea kula guulaystay Premier League sanadkii 20110 ayaa sheegay in uu xiddiga ay isku dalka yihiin sameeyay go’aankii ugu fiicnaa markii uu ku biiray chelsea.

“Hadii ay Run ahaan Liverpool dookh u ahayd isaga, waxa uu qaatay go’aankii ugu fiicnaa isaga”ayuu Ballack u sheegay wargayska The Independent.

“Waa in aad qiimayso waxyaabo gaar ah, sida in aad helayso wakhti aad ku ciyaarto iyo sida uu noqon doono muhiimadaada kooxda, Liverpool waxa ay ku guulaystay champions League iyo premier League”.

“Sidee ayuu Timo u filayaa in uu boos kala boxo xiddigaha Mohamed Salah, Roberto Firmino Ama Sadio Mane?”.

“Chelsea waxa ay haatan dhisaysaa koox da’yar ah, koox cusub oo uu hogaaminayo tabaabre da’yar ah waana mashruuc fiican oo uu Timo ka qayb noqon karo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*