Timo Werner Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Biiray Chelsea.

Xiddiga Timo Werner ayaa sheegay sababtii uu u doortay in uu ku biiro kooxda Chelsea kadib markii uu ciyaaray kualnkiisii ugu dambeeyay ee kooxda RB Leipzig.

Werner ayaa si fiican ku dhamaystay xirfadiisa Bundesliga kadib markii uu noqday xiddiga ugu goolasha badan RB Leipzig kadib 2 gool ee uu ka dhaliyay kooxda Augsburg maalintii ugu dambaysay.

Weeraryahanka halista ah ayaa haatan ku biiri doona kooxda chelsea kadib markii ay 53 milyan kala heshiisay kooxdiisa RB Leipzig.

Werner ayaa si qoto dheer uga wada hadlay go’aankiisa ku aadan inuu ku biiro Chelsea markii ugu horeysay inkasta oo si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Liverpool.

Xiddiga ayaa sheegay in uu Frank Lampard u muujiyay uu u yeelan doono kooxda hadii uu ku soo biiro Blues taas oo ku qancisay in uu ku soo biiro chelsea.

Advertisements

“Wadahadalkii aan la qaatay dadka masuulka ka ah chelsea ayaa ahaa mid aad u fiican waana sabab aan u doortay chelsea”ayuu u sheegay SPorts Bild.

“Tababaraha ayaa gaar ahaan i daba taagnaa oo aad u doonayay in aan ku biiro chelsea waxana aan dareemay in aan raaxo ku dareemi doono halkaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*