Timo Werner Oo Kashifay Sababtii Ugu Weynayd Ee Uu Ugu Soo Biiray Chelsea

Xiddiga cusub ee kooxda chelsea Timo Werner ayaa sheegay in uu Frank Lampard yahay sababta ugu weyn ee uu ugu soo biiray kooxda chelsea.

Weeryahanka reer Germany ayaa heshiis ku kacaya 54 milyan oo euro kaga soo biiray kooxda RB Leipzig waxana uu bilaabay tababarka Rasmiga ah ee kooxda chelsea.

xiddiga 24 jirka ah ayaa si aad ah loo doonayay laakiin waxa ku guulaystay saxiixiisa kooxda ku ciyaarta Stamdord Bridge.

Werner ayaana qirtay in uu tababarhaa cheslea ee Lampard sabab u yahay in uu doortay ku biirista kooxda chelsea.

“Waa sababta ugu weyn ee aan ugu soo biiray, waxa aan ka wadahadalnay nidaamka iyo sida uu jecelyahay in uu u ciyaarsiiyo kooxdiisa, waxana uu ii sheegay nidaamkaas in aan ka qayb noqon doono”ayuu Werner ka yidhi Lampard.

“Run ahaantii waa qof fiican waxana uu ii sheegay in uuna kaliya ciyaartoy ahaan ii doonayn laakiin shaqsi ahaan ii doonayo si uu ii caawiyo waanan ku faraxsanahay in aan chelsea doortay”.

Sii Akhriso: Kenya Oo Xaqiijisay In Ay Safaarad Ka Furan Doonto Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*