Timo Werner Oo Kashifay 4 Halyeey Oo Chelsea Ah Oo Uu Yaraantiisii Taageeri Jiray, Miyuu Lampard Ka Mid Yahay?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa kashifay in uu yaraantiisii ku dayan jiray Frank Lampard iyo 3 Halyeey oo chelsea ah.

Xiddiga reer Germany ayaa suuqii xagaaga ku soo biiray chelsea kadib markii ay chelsea bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Werner oo dhaliyay 95 gool 159 oo uu u ciyaaray RB Leipzig ayaa sheegay in ay riyo Run noqotay u ahayd in uu ku biiro Chelsea maadama uu yaraantiisii taageeri jiray dhawr halyeey oo chelsea ah.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa magacaabay tababaraha Blues ee haatan Lampard, Didier Drogba, Petr Cech iyo waliba Ashley Cole in ay ahaayeen xiddigihii uu taageeri jiray markii uu yaraa.

“Premier League waxa uu noqonayaa mid weyn maaliba maalina ka dambaysa haatana waa horyaalka ugu fiican adduunka”ayuu Werner yidhi.

“Aniga ahaan waxa ay ii ahayd riyo in aan ku biiro kana ciyaaro horyaalka ugu weyn”.

“Dabcan markii aan yaraa in badan ma daawan jirin horyaalka premier League laakiin waxa aan daawan jiray marka ay ciyaarayaan champions League”.

“Waa wax waalan in aan haatan joogo kooxdii aan aniga oo 10 jir ah taageeri jiray xiddigeheeda sida Ashley Cole. Frank Lampard, Petr Cech”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Lacagta Somaliland Oo Lagu Daray Liiska Lacagaha In Ka Kadan 180 Dal Oo Adduunka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*