Timo Werner Oo Ka Hadlay Dhibaatada Uu Ku Wajahay Chelsea.

Xiddiga kooxda Chelsea ee Timo Werner ayaa ka hadlay wakhtiga adag ee uu ku qaadanayo kooxda chelsea iyo wararkii dhawaan sheegayay in uu isaga tagayo kooxda chelsea.

Timo werner ayaa ku dhibaatoonaya chelsea tan ilaa markii uu kooxda yimid isaga oo tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan booskiisa u waayay xiddiga Romelu Lukaku.

Werner oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Todobaadyadii ugu dambeeyay waxa ay ahayd mid igu adag, kadib sanado badan waxa aan ka hoos maray wixii aan iska filayay, waxana aan ku qasbanaaday in aan mar kale dagaalamo”.

“Noloshu mar walba waa mid lagu kufo kadib laga koco, waana in aan garato sida loola dhaqmayo, waxa aan doonayaa in aan ku raaxaysto kubada cagta sidaas darteed waan dadaali doonaa”.

“Shaki la’aan raali kama noqonayo in aan kaydka fadhiyo, waxa aan doonayaa in aan si joogto ah u ciyaaro, laakiin ma doonayo in aan ka tago kooxda chelsea”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*