Timo Werner Oo Isha Ku Haya Rikoodh U Yaala Didier Drogba Kulanka Newcastle.

Xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee muddo 11 sano ah gool u dhaliya Chelsea 5 kulan oo xidhiidh ah hadii uu gool ka dhaliyo Newcastle.

Kooxda Frank Lampard ayaa ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo badiyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyada oo uu Werner shabaqa soo taabtay dhamaan kulamadaas.

Xididgii hore ee RB Leipzig ayaa kulanka galabta gali doona isaga oo kalsooni qaba waliba gool uu dhaliyo ayaa ka dhigi doona xiddigii ugu horeeyay ee 5 kulan gool dhaiya tan ilaa Didier Drogba oo sidaas sameeyay bishii November 2009.

Waxa intaas sii dheer in gool uu dhaliyo Werner in uu ka dhigi doono xiddigii 4-aad ee reer Germany ah taariikhda premier League gool dhaliya 3 kulan oo xihdiidh ah iyada oo ay horay sidaas u sameey xiddigaha Jurgen Klinsmann (3), Dietmar Hamann & Leroy Sane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*