Timo Werner Oo Go’aansaday In Uu Isaga Tago Chelsea Xagaaga Hadii Ay Halkan Arin Dhici Waydo

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda chelsea suuqa xagaaga hadii uuna si joogto ah ugu ciyaarin koxoda Thomas tuchel xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Germany ayaa kaliya ku bilowday 2 kulan oo premier League ah ilaa haatan xilli ciyaareedka isaga oo booskiisa u waayay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo kooxda yimid suuqii xagaaga.

Xiddiga Werner ayaa doonaya in uu u dagaalamo booskiisa kooxda chelsea waliba la siiyo fursad uu isku muujin karo si uu dib ugu soo laabto qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ka hor intii uuna iman chelsea.

Laakiin Wargayska MailOnline ayaa sheegaya in uu Werner isaga tagi doono kooxda xagaaga ama suuqa Janaury hadii uuna bilaabin in uu kooxda si joogto ah uu ciyaarin wakhtiga soo socda.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*