Timo Werner Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea.

Xiddiga weerarka uga ciyaara chelsea ee Timo Werner ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee chelsea Werner ayaa kooxda ka caawiyay ku guulaysiga champions League iyo waliba in ay kaalinta 4-aad kaga dhamaystaan premier League.

Laakiin xiddiga reer Germany ayaa kaliya dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan taas oo keentay in ay chelsea suuqa u gasho weeraryahan gool dhaliye ah suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay 90min, Baacsiga ay chelsea ugu jirto weeraryahan cusub ayaa ku dhalisay Werner in uu ka fiirsado in uu isaa tago kooxda chelsea.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa wakiiladiisa u shegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Borussia Dortmund si uu ugu laabto horyaalka Bundesliga.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*