Tierney Mise Wan-Bissaka? Kooxda Saxiixa Fiican Heshay Oo La Sharaxay

Xiddigaha ka ciyaara daafaca ee Kieran Tierney & Aaron Wan-Bissaka ayaa lacago badan ugu soo biiray kooxaha Arsenal iyo Man United kuwaas oo ku soo biiray xagaagan laakiin kooxdee heshay daafac fiican labada xiddig.

Tierney ayaa Arsenal ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro kagana soo biiray kooxda Celtic halka uu xiddiga Wan-Bissaka Man United ugu soo biiray lacag dhan 50 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray kooxda Cryatal Palace.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Perry Groves ayaa sheegay in uu daafaca Midig ee kooxda Man United ee Wan-Bissaka Ka fiican yahay daafaca Bidix ee Tierney.

Si kasta ha ahaatee waxa uu sheegay in uu xiddiga Tierney kaga fiican yahay dhigiisa dhanka weerarka.

Groves ayaa sheegay in Wan-Bissaka laga soo bixiyay laba jibaarka lacagta Tierney sabab la xidhiidha in uu hal sano kaga horeeyo premier League.

Advertisements

“Kieran Tierney waxa uu Wan-Bissaka kaga fiican yahay dhanka weerarka laakiin Wan-Bissaka ayaa Tierney Kaga fiican dhanka daafaca”.

Groves oo sheegay sababta uu Wan-Bissaka uga qaalisan yahay Tierney ayaa yidhi” Hadii aad is waydiiso sababta uu Wan-Bissaka ugu biiray United 50 Milyan halka uu Tierney ugu biiray Arsenal 25 milyan sababta ayaa ah in uu Wan-Bissaka premier League kaga khibrad badan yahay Tierney”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*