Thomas Tuchel Oo Xaqiijiyay In Uu Andreas Christensen Diiday In Uu Ciyaaro Final-kii FA Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyay in uu Andreas Christensen diiday in uu ciyaaro Final-kii FA Cup-ka ee sabtidii.

Chelsea ayaa guuldaro rikoodhayaal ah Kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Andreas Christensen ayaa saacado ka hor kulanka diiday in uu ka qayb ahaado kooxda ka qayb galaysa final-ka FA Cup-ka.

Tababare Tuchel ayaa ugu dambayn xaqiijiyay in uu xiddiga reer Denmarka diiday in uu ciyaaro final-kii FA Cup-ka.

“Andreas Christensen Waxa uu ii yimid subaxdii Final-ka waxana uu ii sheegay in uuna ciyaari karin”ayuu Tuchel u sheegay saxaafada.

“Waxa uu leeyahay sababtiisa waana arin aanan sheegi karin mana ahan markii ugu horaysay ee uu sidaas sameeyo todobaadyadii ugu dambeeyay”ayuu sii raaciyay.