Thomas Tuchel Oo Timo Werner U Qabtay Wakhti Uu Ku Badbaadiyo Mustaqbalkiisa Chelsea.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa in uu Timo Werner u qabtay wakhti uu ku badbaadiyo mustaqbalkiisa chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Thomas Tuchel ayaa aaminsan in uu xiddiga 24 jirka ah leeyahay awood uu Chelsea ugu hogaamiyo koobab laakiin uuna wakhtigu dhinaciisa ahaydn.

Timo Werner ayaa chelsea ku soo biiray xagaagii waxana uu ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay kadib markii uu kooxda kaga soo biiray RB Leipzig.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in uu Tababare Thomas Tuchel xiddiga u qabtay in uu haysto inta ka dhiman xilli ciyaareedkan hadii uu doonayo in uu ka sii mid ahaado qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Tuchel suuqa u gali doono weeraryahan cusub hadii uuna Werner qaab ciyaareedkiisaku qancin kulamada ka hadhay xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*