Thomas Tuchel Oo Shaki Galiyay Mustaqbalka Kai Havertz & Timo Werner.

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaki galiyay mustaqbalka xiddigaha Kai Havertz & Timo Werner kadib guushii ay ka gaadheen kooxda Fc Porto lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Thomas Tuchel ayaa qirtay in ayna xiddigaha Kai Havertz iyo Timo Werner ilaa haatan soo bandhigin waxa uu ka doonayo kooxda cheslea isaga oo badal ku sameeyay labada xiddig qaybtii dambe kulankii Porto.

Blues ayaa guul 2/0 ah gaadhay kulanka lugta 1-aad iyaga oo uga mahad celinaya xiddigaha Mason Mount iyo Ben Chilwell kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhiay.

Laakiin xiddigaha Havertz iyo Werner ayaa ku dhibaatooday kulanka taas oo keentay in badal lagu sameeyo qaybtii dambe ee ciyaarta.

“Waxa aan ogaaday in uu kulanku ahaa mid ku adag Timo iyo Kai, may soo bandhigin qaab ciyaareedkoodii ugu ficinaa”ayuu Thomas Tuchel yidhi.

“Waxa aan dareensanahay in ayna Timo Iyo Kai ilaa haaan soo bandhigin qaab ciyaareedka heerka aan ka doonayay iyo saamaynta aan u baahanahay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*