
Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa ka hadlaya fursadaha kooxdiisa ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Thomas Tuchel ayaa kulankiisii ugu horeeyay bar-baro ku bilowday Waayihiisa chelsea kulankii ay bar-baraha 0/0 ah la galeen kooxda Wolves.
Tababare Tuchel ayaa shaqada tababaranimo ee Chelsea ka badalay tababare Frank Lampard kaas oo shaqada ka caydhisay Isniitii la soo dhaafay.
Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 8-aad iyaga oo 11 dhibcood ka dambeeya kooxda Man City kuwaas oo waliba hal kulan gacanta ku haysata.
Kadib bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Wolves Thomas Tuchel ayaa u digay taageerayaasha kooxdiisa in ayna kooxda chelsea xilli ciyaareedkan u tartami doonin.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa in Runta eegno”ayuu Thomas Tuchel yidhi.
“Sida iska cad marka aad chelsea ku soo biirto waa in aad u tartanto koobab waana mid lagaa filayo”.
“Laakiin waa in aan runta isku sheegno haatan ma ahan suurtagal”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Be the first to comment