Thomas Tuchel Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Uu Doonayo In Ay Chelsea Ka Fogaato Isku Aadka Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qirtay in uu doonayo in ay chelsea ka fogaato kooxda PSG isku aadka wareega 8 Dhamaadka champions league.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaacday Atletico Madrid kulankii ka dhacay Stamford Bridge.

Isku aadka wareega 8 dhamaadka campions League ayaa la samayn donaa jimcaaha iyada oo ay chelsea wajahayso in ay ku aado koox walba oo ka mid ah kooxaha ku jira tartanka.

Laakiin Tuchel ayaa sheegay in uu doonayo in ay kooxdiisu ka fogaato kooxdiisii hore ee PSG Marka la samayn doono isku aadka wareega xiga.

Markii la waydiiyay kooxda uu doonayo in uu PSG ku aado wareega 8 dhamaadka champions leagaue ayuu Thomas Tuchel u sheegay wargayska RMC Sporto”Maya ma doonayo arintaas”.

“Sababta oo ah waa koox xoogan waxana aan u garanayaa si fiican laakiin waa in aan sugno isku aadka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*